Jabuuti (Dawan)– Jabuuti ayaa dalkeeda ka masaafurisay ajaanib sharci darro ku joogtay, kaddib hawlgal ballaaran oo laga sameeyay caasimadda, sida ay werisay wakaaladda wararka Jabuuti.
Hawlgalkan oo subaxnimadii Talaadada laga fuliyay Degmada 7-aad ayaa lagu soo qabtay in ka badan 330 qof, sida lagu sheegay warbixin boolis oo ay soo xigatay wakaaladda.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in hawlgalkan lagu bartilmaameedsaday shakhsiyaad looga shaki qabo falal sharci-darro ah, oo ay ku jiraan xadgudubyo la xiriira nidaamka gaadiidka ee aaggaas.


