Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa gurmad u sameysay markab laga leeyahay dalka Giriigga kaas oo ay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ku bartilmaameedsadeen maalintii Khamiista badda Cas.
Markabkan oo lagu magacaabo MV SOUNION ayaa siday shidaal lagu qiyaasay 150,000 tan, waxaana walaac badan laga muujiyay dhibaatada dhanka deegaanka ah ee ka dhalan karta haddii uu quuso, sida horay u dhacday
Maamulka Dekedaha Jabuuti ayaa dunida ugu baaqay in la qaado tillaabo degdeg ah si looga hortago halista ka dhalan karta shidaalka ku daadanaya biya badda kaas oo saameyn ku yeelan doona Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
Jabuuti ayaa ku guuleysatay inay soo badbaadiso shaqaalihii saarnaa markabka kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 29 qof oo kasoo kala jeeda dalalka Ruushka, Filibiin, Hindiya, iyo Nepal.
Fiidnimadii Jimcaha, kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa baahisay muuqaallo ay ku sheegeen inay bartilmaameedsadeen markab laga leeyahay dalka Giriigga iyaga oo ku eedeeyay inuu ku xadgudbay xayiraaddii ay kusoo rogeen dekedaha Israel.
Kooxda ayaa markale uga digtay shirkadaha iska leh maraakiibta inay alaab usoo qaadaan Israel, waxeyna wacad ku martay in tillaabada xigta ay noqon doonto mid aad uga daran kuwii hore.