Jabuuti, 14 Maarso 2026 (Dawan)– Wasiirka Isgaarsiinta ee Jabuuti, Radwan Abdillahi Bahdon, ayaa ugu baaqay muwaadiniinta inay qaataan kaararka codbixinta si loo xaqiijiyo ka qaybgal buuxa ee doorashada soo socota, sida ay werisay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Wasiirka oo ka hadlayay kulan loogu talagalay wacyigelinta doorashada, ayaa ku nuuxnuuxsaday in qaadashada kaararka codbixinta ay tahay shuruud aasaasi ah oo loogu talagalay in muwaadinku u isticmaalo xuquuqdiisa codbixinta. “Qaado kaarka codbixinta waa tallaabo muhiim ah oo u oggolaanaysa muwaadin kasta inuu si buuxda u isticmaalo xaqiisa codbixinta,” ayuu yidhi Bahdon, sida ay soo xigatay ADI.
Wuxuu intaa ku daray in badqabka dimuqraadiyadda Jabuuti uu ku xiran yahay ka qaybgalka firfircoon ee codbixiyayaasha.








