Jabuuti (Dawan) – Hay’adda Sanduuqa Amniga Bulshada ee Jabuuti (CNSS) ayaa saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ay la gashay ururka Samafalka Wadnaha Carruurta, kaas oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka ee carruurta qaba cudurrada wadnaha, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Heshiiskan ayaa lagu horumarinayaa adeegyada caafimaadka wadnaha carruurta iyo qalliinnada wadnaha ee lagu sameeyo Isbitaalka Al-Shifa, iyadoo la qalabeynayo qaybaha muhiimka ah ee isbitaalka, oo ay ka mid yihiin qolalka qalliinka, qaybaha daryeelka degdegga ah iyo adeegyada catheter-ka wadnaha.
CNSS ayaa sheegtay in iskaashigan uu sidoo kale suuragelin doono in dalka si joogto ah u yimaadaan kooxo dhakhaatiir ah oo ku takhasusay cudurrada wadnaha carruurta, isla markaana tababarro la siiyo shaqaalaha caafimaadka ee dalka.
Ujeeddada heshiiska ayaa ah in la xoojiyo awoodda caafimaad ee gudaha dalka, gaar ahaan adeegyada takhasuska sare leh, si loo yareeyo tirada carruurta dibadda loogu qaado daaweyn caafimaad oo la xiriirta cudurrada wadnaha.