Nairobi (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Japan ayaa maanta kala saxiixday heshiis dhigaya deyn cafin dhan 14-Bilyan oo lacagta Japan ah, kana badan Boqol Milyan oo Dollar.
Munaasabadda heshiiska ayaa ka dhacday safaaradda Japan ee magaalada Nairobi, iyada oo ay kala saxiixdeen heshiiska Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo sii haya safaaradda Japan ee Kenya, Ogihara Hiroshi.
"Maanta waxaan wakiilka dowladda Japan Mr. Ogihara Hiroshi la saxiixday heshiiska dhameystirka hannaanka deyn cafinta" sidaas waxaa "X" kusoo qoray wasiirka maaliyadda.