Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jarmalka ayaa Jabuuti ka maalgelinaysa mashaariic horumarineed oo lagu kharash-gareynayo in ka badan 10 milyan oo Yuuro, kuwaas oo looga gol leeyahay taageeridda adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka, sida ay sheegtay RTD TV.
Wasiiru Dowlaha Ballaarinta Maamul Goboleedka Jabuuti, Cumar Xuseen Cumar, ayaa xarigga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay deegaanka Cali Cadde ee Gobolka Cali Sabiix, iyadoo uu goob joog ahaa Xoghayaha Fulinta IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, iyo masuuliyiin ka socday dowladda Jabuuti, hay’adaha caalamiga ah iyo maamulka deegaanka.
Mashaariicda ayaa qayb ka ah Sanduuqa Gobolka ee Socdaalka ee IGAD, kaas oo dowladda Jarmalku ku taageerto maalgelin dhan 10 milyan oo Yuuro, iyadoo ujeeddadiisu tahay horumarinta adeegyada iyo xoojinta fursadaha dhaqaale ee bulshooyinka gobolka.
Intii lagu jiray munaasabadda, wasiirka ayaa booqday xaruntii hore ee tareenka Cali Sabiix, halkaas oo laga hirgeliyay suuq ganacsi cusub oo ay maalgelisay IGAD iyadoo kaashanaysa dowladda Jarmalka.