Jigjiga (Dawan) – Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa magaalada Jigjiga ku qabatay kulan ballaaran oo lagu qiimeynayay khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada iyo tallaabooyinka looga gaashaaman karo, sida ay werisay warbaahinta deegaanka ee SRTV.
Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin ka tirsan deegaanka, hay’adaha dawladda, ururrada aan dawliga ahayn iyo xubno ka socday Jaamacadda Jigjiga.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dooduhu ay diiradda saareen saameynta isbeddelka cimiladu ku yeeshay gobolka sannadihii u dambeeyay iyo xeeladaha looga gudbi karo caqabadaha mustaqbalka.
Madaxda deegaanka ayaa soo bandhigay siyaasado loogu talagalay in lagu yareeyo saameynta cimilada, kuwaas oo ay ka mid yihiin dadaallada lagu dhimayo ku tiirsanaanta gaadiidka iyo nidaamyada waraabka ee ku shaqeeya shidaalka, iyadoo loo weecanayo baabuurta korontada ku shaqeysa iyo tamarta qorraxda ee dhinaca beeraha.


