Jowhar (Dawan) – Heerka Wabiga Shabeelle ee magaalada Jowhar ayaa gaaray 5.36 mitir, isagoo 11 sentimitir ka sarreeya xadka halista fatahaadda, isla markaana 14 sentimitir oo keliya ka hooseeya heerka uu webigu ka fatahi karo jiinkiisa, sida lagu sheegay warbixinta toddobaadlaha ah ee saadaasha cimilada ee SWALIM.
Warbixinta, oo daboolaysa muddada u dhexeysa 15-ka iyo 21-ka Oktoobar 2026, ayaa sheegtay in heerka wabigu ka sarreeyay xadka khatarta fatahaadda oo ah 5.25 mitir, taas oo kordhinaysa walaaca laga qabo fatahaado saameeya deegaannada ku dhow webiga.
Biyaha ka soo qulqulaya dhanka sare ee Wabiga Shabeelle, gaar ahaan deegaannada Deefow iyo Beledweyne, ayaa sidoo kale kordhin kara halista fatahaadaha ee deegaannada uu wabigu maro.