Kismaayo (Dawan)- Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa Dowladda Turkiga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku eedeysay inay mas’uul ka yihiin duqeyn xalay ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, taas oo lagu dhaawacay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyo afar qof oo rayid ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay Jubaland ayaa lagu sheegay in diyaarado dagaal oo ay leedahay Dowladda Turkiga ay laba gantaal ku dhufteen guri uu degmada Doolow ka degganaa Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Maamulka ayaa sheegay in mid ka mid ah gantaallada uu sidoo kale ku dhacay guriga guddoomiyaha degmada Doolow.
Jubaland waxay ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga inay Mahad Cabdiraxmaan Aadan u beegsadeen sababo la xiriira aragti siyaasadeed oo uu kaga duwan yahay madaxda Dowladda Federaalka.
Maamulka ayaa duqeynta ku tilmaamay fal waxyeello loogu geystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, isagoo sheegay in weerarka ka dhacay Doolow, oo muddo dheer ka caagganayd falalka amni-darrada, uu yahay “dambi dagaal” oo ay tahay in lagula xisaabtamo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda Turkiga.