Kismaayo (Dawan)- Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa si adag uga hor timid go’aan ay shalay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu joojiyay heshiisyadii Imaaaraadka Carabta ee la xiriiray dekedda Kismaayo, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid baalmarsan dastuurka federaalka iyo kan Jubbaland.
Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in wareegtada ka timid Muqdisho ay tahay “mid aan sharci ahayn, isla markaana aan wax saameyn ah lahayn”, maadaama – sida ay sheegtay – ay ku xadgudbayso awoodaha dastuuriga ah ee dowlad-goboleedka.
Jubbaland waxay ku adkaysatay in iyadu leedahay awoodda keliya ee ku saabsan maamulka dekedda Kismaayo, heshiisyada ganacsi, iyo maalgashiga shisheeye, iyadoo tixraacday qodobbo ka mid ah dastuurkeeda u oggolaanaya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo la macaamilka maalgashadayaasha caalamiga ah.
"Dawladda Jubaland... waxay u aragtaa go’aanka maanta ka soo baxay Dawladda Federaalka mid aan jirin," ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo si gaar ah loo xusay dekedda istiraatiijiga ah ee Kismaayo.






