Muqdisho (Dawan)- Tirada dadka Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 15 milyan oo ay ka shaqeeyaan kaliya 20% waxaana lagu qiyaasa celceliska mushaharkooda in uu yahay 100 USD bishii, taas oo dhiganta wax ka yar 0.3 USD maalintii.
Arrinkaan ayaa muujinaya heerka nolsoha iyo faqriga ku baahsan bulshada dhaxdeeda.
Jaamacadaha Soomaalida ayaa soo saara kumannaan arday sannad kasta kuwaas oo hardan u gala fursadaha shaqo ee suuqa ka jira, iyada oo ay badankood ku hungoobaan hanki shaqo ee ay lahaayeen ama in ay shaqo ku helaan wixi ay soo barteen.
Shaqo la’aanta ka jirta Soomaaliya waxaa sabab u ah in aysan ka jirin ganacsiyo waaweyn kuwaas oo awood u leh in ay shaqaaleysiiyaan tiro badan, Fursadaha hay'adaha dowladda oo xaddidan iyo Jaamacadaha oo aan soo saarin arday awood u leh in ay sameeyaan hal abuur ay naftooda ku maareeyaan.
70 % dadka Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasa in ay yihiin dhallinyaro, kuwaas oo qaar ka mid ah ay kasoo baxeen Jaamacadaha kala duwan ee dalka badankoodna waa bilaa shaqo.
Shaqo la'aanta heysata dhallinyarada waxa ay keeni karta khatar weyn oo ah dhanka amniga iyo xasiloonida dalka iyo in dhallinyarada qaarkood naftooda ku biimeeyaan tahriib.
Sida lagu sheegay cilmi-baaris uu sameeyay Maxamed Saney Dalmar sannadkii 2017-kii, waxaa lagu ogaaday in in ka badan 60% dhallinyarada Soomaaliyeed ay qorsheeynayaan in ay dalka ka baxaan si ay u helaan nolol wanaagsan.