Dooxa (Dawan)– Soomaaliya iyo Qatar ayaa maanta oo Isniin ah ku kala saxiixday magaalada Dooxa heshiis cusub oo dhanka iskaashiga difaaca ah, kaas oo lagu xoojinayo tababarrada milatariga, isuduwidda amniga, iyo dhisidda awoodaha difaac ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gaashaandhigga Qatar Sheekh Sucuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin sare oo ka kala socday labada dal.
"Heshiiska iskaashiga difaac ayaa diiradda saaraya tababarrada ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari, horumarinta awoodda difaaca, iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda.
Masuuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in heshiiskan uu ka tarjumayo xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, isla markaana uu qayb ka noqonayo dadaallada ballaaran ee lagu tayeynayo hay’adaha amniga Soomaaliya xilli dalku ku jiro marxalad dib-u-habayn amni iyo milatari.





