Nairobi (Dawan) – Dood siyaasadeed oo kulul ayaa ka dhex qaraxday siyaasiyiinta Kenya, kadib markii madaxweyne ku-xigeenkii hore Rigathi Gachagua iyo wasiirka caafimaadka Aadan Ducaale ay is dhaafsadeen hadallo kulul oo ku saabsan sida loola dhaqmo madaxweyne ku-xigeennada dalka.
Wasiir Ducaale oo hadal ka jeediyay magaalada Mandheera, xilli uu la socday Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa sheegay in madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta uu si xun ula dhaqmay Ruto intii uu ahaa madaxweyne ku-xigeen, isagoo xusay in la takooray, la bahdilay, isla markaana la geliyay xaalado adag.
Dhankiisa, Gachagua oo ka hadlayay gobolka Murang’a, ayaa difaacay Kenyatta, isagoo uga digay Ducaale inuu ka waantoobo inuu soo dhax geliyo madaxweynaha hore ee doodaha siyaasadeed ee socda.
“Madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta ma uusan hor istaagin dhaqdhaqaaqa William Ruto; meel kasta ayuu tegi jiray, sida gobolka Mount Kenya toddobaad kasta,” ayuu yiri Gachagua.
Gachagua ayaa sidoo kale sheegay in Kenyatta uusan isku dayin inuu xilka ka qaado Ruto, isla markaana uusan adeegsan awood ciidan ama mid siyaasadeed si uu u caburiyo, balse uu u oggolaaday inuu si buuxda u dhammeysto xilkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Gachagua ayaa dhankiisa ku eedeeyay Madaxweynaha hadda talada haya, William Ruto, inuu si ka duwan ula dhaqmay isaga, isagoo sheegay in la bahdilay loona cadaadiyay siyaabo kala duwan.


