Nairobi (Dawan)- 16 qof ayaa dhawaacyo kala duwan kasoo gaareen shil gaari kadib markii ay gaariga dadweynaha ee loo yaqaano Mataatuuga uu shil ku galay waddada wayn ee u dhaxeysa Ismaamullada Kisumu iyo Busia, sida ay sheegtay Idaacadda Star FM ee dalka Kenya.
Gaariga ayaa xalay fiidkii waddada ka baxay ka hor inta uusan ku dhicin god wayn oo ku yaalla aagga Kisian.
Rakaabka ay dhaawacyadu soo gaareen ayaa la geeyay isbitaalka wayn ee Jaramogi Oginga Odinga Teaching iyo Referral Hospital (JOOTRH) si loogu fidiyo gargaar caafimaad.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baabuurka shilka galay uu ka yimid dhanka Busia kuna sii jeeday Kisumu.
Hal maalin ka hor ayay ahayd markii labo qof ay ku dhinteen iyada oo shan kalena ay ku dhaawacmeen shil u dhexeeyay Bas iyo Booyadda shidaalka oo ka dhacay Ismaamulka Busia ee dalka Kenya.
Waxaa qoray Dawan Desk - Reporter
Maqaallo la xidhiidha
Dalka Kenay ayaa ku jira dalalka ugu shilalka badan Africa, waxaana sannadkii ku dhinta ku dhawaad 4,000 oo qof.
Maqaallo La Xidhiidha
DFS oo qabatay masuul AS u qaabilsanaa abaabulka dagaallamayaasha
Apr 4, 2026
Warar
Akhri dheeraad →
Wasiirrada Puntland oo la faray inay soo gudbiyaan hantidooda
Apr 3, 2026
Warar
Akhri dheeraad →
Musharrax Farkeeti oo sharci-darro ku tilmaamay magacaabisyada dowladda federaalka ee Koonfur Galbeed
Apr 4, 2026
Warar
Akhri dheeraad →


