Nairobi (Dawan)- Sida la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay halka lix qof oo kale wali la la'yahay kadib markii doon ay la socdeen ku degtay Harada Baringo ee dalka Kenya.
Sida Boliiska Kenya laga soo xigtay, waxaa la badbaadiyay 11 qof, waxaana wali socda baadi goobka loogu jiro in lagu samatabixiyo dadka kale.
Boliisku waxa uu intaas ku daray in doonidu ay ka soo baxday Kampi Samaki kuna sii jeeday Jasiiradda Kokwa.