Boosaaso (Dawan)– Dowlad Goboleedka Puntland, ganacsatada iyo shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Dubai ayaa heshiis ku gaaray soo afjaridda khilaafkii ka dhashay adeegyo cusub oo laga hirgeliyay Dekedda Boosaaso, kaas oo sababay hakad ku yimid dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee dekedda ugu weyn Puntland.
Heshiiskan ayaa yimid kaddib maalmo wada-hadallo ah oo ay yeesheen maamulka Puntland, wakiillo ka socday ganacsatada iyo shirkadda DP World, kaddib markii ganacsatadu ay ka cawdeen adeegyada cusub ee dekedda, iyagoo sheegay in ay kordhinayaan kharashaadka soo dejinta badeecadaha isla markaana saameyn ku yeelanayaan ganacsiga.
Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Puntland, Maxamed Cabdi Waaberi, ayaa sheegay in khilaafkii iyo isfaham-waagii u dhexeeyay ganacsatada iyo dekedda la soo afjaray, isla markaana dhaqdhaqaaqii ganacsigu uu dib ugu soo laabtay sidii caadiga ahayd.
“Khilaafkii iyo isfaham-waagii u dhexeeyay ganacsatada iyo dekedda waa la soo afjaray. Ganacsigu waa furan yahay, badeecaduhuna si caadi ah ayay uga gudbi karaan dekedda,” ayuu yiri Waaberi.
Duqa magaalada Boosaaso, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali, ayaa isna sheegay in wada-hadalladii la yeeshay ay soo afjareen khilaafkii u dhexeeyay dowladda Puntland iyo ganacsatada ee la xiriiray adeegyada cusub ee dekedda.
“Waddooyinku waa furan yihiin, ganacsiguna si caadi ah ayuu u socdaa, mana jiraan wax xiritaanno ah,” ayuu yiri Duqa Boosaaso, isagoo bulshada ugu baaqay inay ilaaliyaan nabadda iyo xasilloonida.