Hargeysa (Dawan)- Halkan ka aqriso Khudbad-Sannadeedka Dastuuriga ah ee Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ee uu ka horjeediyay Golaha Baarlamaanka 9-ka June 2024.
Shir-guddoonka Golaha Baarlamaanka JSL,
Mudanayaasha Golaha Barlamaanka ee Sharafta Leh,
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,
Xubnaha Golaha Wasiirrada,
Taliyayaasha Ciidammada Qalabka-sida,
Shacabka JSL meel kasta oo ay joogaan,
Halgan dheer ka dib oo ka bilaabmay cadhadii ka dhalatay Dawladdii lagu midoobay 1960 magacaabiddeedii. Halgankaa oo loo huray naf iyo maal. Halgankaasi waxa uu soo maray marxalado kala duwan.
Xukuumadda Labaad ee KULMIYE waxa ay qaadatay siyaasad ah in laga faa’iidaysto biyaha dhulka hoostiisa ku jira, lana qabto biyaha roobka ee badankiisu badda gala. Sidaa darteed muddadii u dhaxaysay 2017-kii ilaa 2023-ka:
Waxa la qoday 208 ah Ceelasha dhaadeer.
Waxa la qoday 74 ah Ceelasha gaagaaban.
Waxa la qoday 135 Dhaam
Waxa la qoday 85 Barkadood
Waxa la dayactiray 317 Ceel.
Waxa mudnaan weyn la siiyey sidii Caasimadda Hargeysa u heli lahayd biyo ku filan oo ay muddo dheer baahi u qabtay.
Sidaa darteed, waxa biyo-soo-saarka Geedeeble oo ahaa markii hore 6,500,000 Litir maalintii la gaadhsiiyey 18,500,000 litir maalintii, taas oo macnaheedu yahay haddii qofkiiba maalintii isticmaalo 15 litir la waraabin karo 1.2 Milyan qof oo Hargeysa ku nool.
Waxa la dhammaystiray nidaamka biyo-qaybinta (Water Distribution System) magaalada Hargeysa si magaalada loo gaadhsiiyo biyaha la soo saaray, gaar ahaan xaafadaha cusub ee aanu ku jirin nidaamkii hore ee biyo-qaybinta magaaladu.