Hargeysa (Dawan)- Halkaan ka akhriso khudbadda uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay munaasabadda xuska 18-ka May iyo sannad guuradii 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay gobollada waqoyi ku dhawaaqeen in ay ka go'een Soomaaliya inteeda kale.
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin,
- Madaxweyne Ku-xigeennadii hore,
- Shir-guddoonka labada Gole,
- Murashaxa Xisbiga Waddani,
- Guddoomiyeyaasha Axsaabta Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda,
- Taliyayaasha Ciidammada Qalabka-sida,
Xasan Sheekh waxaa uu eryay Safiirkii Itoobiya ee joogay Muqdisho, waxaanu ku dhawaaqay dagaal lala galo Itoobiya.
Beesha caalamka kuwa ugu tunka wayn leh waxa ay wax lala yaabo ku noqotay in nabad-gelyada Soomaaliya ee Xasan Sheekh sheegto ay gacanta ku hayso Itoobiya. Gobollada Hiiraan, Bakool, Baay, Gado iyo Jubbada Hoose intaaba waxa amnigooda gacanta ku haya ciidammada Itoobiya, oo ku dhow 10 kun oo Askari.
Beesha caalamku iyada oo cabsi ka qabta in Al-shabaab qabsato Muqdisho ayey ku qasbeen Xasan in ciidammada Itoobiya joogaan gobollada ay amnigooda sugaan.
Xasan Sheekh warka uu tabinayaa waa been, ma jiro dhul Soomaaliyeed oo ay Itoobiya xoog ku qaadatay, ama cidi siisay.
Markuu ka hadlaayay Al-Jazeera, wuxuu yidhi “Ma diidani in ay Itoobiya dhul kiraysato, laakiin waa in ay aniga i soo maraan oo ay i waydiistaan”. Waxaa is waydiin leh dhulka uu xukumo Xasan ee uu ka bixin karo Saldhig Ciidanka Badda ahi waa kee?
Somaliland 33 sanno ayey ahayd dal xor ah, Dawlad madax-bannaan oo dalkeeda dhisanaysa, horena u gashay heshiisyo badan oo caalami ah, sida; Heshiiska Shirkadda Caalamiga ah ee DP World ee Dalka Imaaraadka Carabta. Heshiinkan maanta taagan ee Itoobiyana kama duwana heshiisyadaas ay Somaliland hore u gashay, waliba kani waa kiro, maaha maalgashi.
Heshiiskan waxa aad u taageersan Shacabka Somaliland, waanu dhaqan-galayaa marka la horkeeno Golaha Baarlamaanka ee uu ansixiyo.