Cammaan (Dawan)- Khudbadda Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Kulanka Qorshaha Fulinta Istaraatiijiyadeed ee Carabta ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (2023-2028) ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta .
Cammaan - Boqortooyada Jordan 28/29 August 2024
Mudanayaasha sharafta iyo qiimaha mudan, Wasiirada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Carabta
Danjire Dr. Haifa Abu Ghazaleh - Kaaliyaha Xoghayaha Guud ahna Madaxa Waaxda Arrimaha Bulshada ee Ururka Jaamacadda Carabta
Mudane Dr. Ashraf Sobhi – Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, ahna Madaxa Xafiiska fulinta ee Golaha Wasiirrada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Carabta
Mudane Maxamed Salama Al-Nabulsi – Wasiirka Dhallinyarada ee Boqortooyada Jordan, ku-xigeenka Xafiiska Fulinta Golaha Wasiirrada Carabta ee Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ahna Guddoomiyaha Kalfadhigaan (47) ee Golaha
Wasiirada, Safiirada iyo mudanayaasha sharafta leh ee goob joogga ah,
Marka la eego xaaladda gobolka, Istaraatiijiyaddan waxay noqoneysa tii ugu horeysay ee nuuceeda ah taas oo ka dhigan aqoonsiga Carabta ee taageerada nabadda iyo amniga gobolka iyo fulinta ajendaha nabadda iyo amniga, kor u qaadista iyo xoojinta kaalinta dhallinyarada ee go'aan qaadashada dhammaan arrimaha siyaasadda , bulshada iyo ka hortagga khilaafaadka iyo xallintiisa.
Mudanayaasha sharafta iyo qaddarinta mudan
Dhallinyarada , Nabadda iyo Amnigu meelna kuma kala haraan. Arrintaas waxaa tusaale cad u ah Soomaaliya iyo sida ay dhallinyaradu kaalin ugu leeyihin amniga iyo nabadda. Marki hore waxay hormuud ka ahaayeen colaadihii iyo dagaalladii dhiigga badan ku daatay ee dalka, maantana Alle mahadiis kaddib dadaal ay bixisay dowladda federaalka Soomaaliya, waxay qayb muhiim ah ka yihiin ka shaqaynta nabadda iyo amniga. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxay xil iska saartay maalgelinta dhallinrada iyo in la ballaariyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen nabadda iyo amniga dalka
Mudanayaasha sharafta mudan
Waxaa lagu qiyaasaa in dhallinyaradu ay yihiin in ka badan 75% bulshada Soomaaliyeed, sidaas darteedna ay qayb wax ku ool ah ka qaataan hannaanka dowlad dhisidda iyo nabadaynta dalka
Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo la ansixiyay May 2023, Waa tiirkii afraad ee siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dejinta istiraatijiyadda iyo qorshe hawleedka qaran ee dhallinyarada, nabadda iyo amniga Soomaaliya.
Mudanayaasha sharafta mudan