Rustenburg (Dawan)- Koox burcad ah oo dooneysay in dhac u geysato dukaamo ku yaal magaalada Rustenburg ayaa xalay dil u geystay laba qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.
Labada nin oo ahaa wiil iyo abtigiis ayaa dilka loo geystay iyaga oo ku sugan goobtooda ganacsiga.
Labada marxuum ayaa lagu kala magacaabaa Cabdiraxmaan Xasan Cali iyo Ibraahim Warsame, sida aan xogta ku helnay.