Dhuusamareeb ( Dawan)- Golaha Wakiillada Galmudug ayaa Khamiistan Liibaan Axmed Xasan u doortay hoggaamiyaha dowlad-goboleedka Galmudug, isagoo ballanqaaday inuu dadka oo dhan u adeego, lana shaqeeyo dhinacyada siyaasadda ee la tartamay.
Liibaan, oo metelayay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), ayaa helay 72 cod iyada oo musharraxa ururka Sincad, Cabdulqaadir Cabdullaahi Diiriye, uu helay 14 cod, halka saddex ka mid ah 89-kii cod ee la dhiibtay ay halaabeen.
Sidoo kale Xildhibaannada ayaa musharraxa JSP, Senator Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare), u doortay hoggaamiye ku-xigeenka Galmudug, isagoo helay 66 cod. Musharraxa Sincad, Cabdisataar Maxamed Geelle, ayaa helay 20 cod, halka saddex cod ay halaabeen.
Khudbaddii uu jeediyay markii la doortay, Liibaan ayaa natiijada ku tilmaamay guul u soo hoyatay shacabka Galmudug, isagoo u mahadceliyay codbixiyeyaashii ka qaybgalay doorashooyinkii is xigay. Waxa uu sheegay inuu matali doono dhammaan dadka reer Galmudug, iyadoo aan loo eegin dhinaca siyaasadeed ee ay taageersan yihiin, albaabkiisuna u furnaan doono. Waxa uu sidoo kale ballanqaaday inuu ka shaqayn doono fulinta ballanqaadyadii uu sameeyay intii ololuhu socday.