Dhuusamareeb (Dawan)- Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u diiwaangeliyay Liibaan Axmed Xasan, oo ah musharraxa Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee jagada Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug.
Tallaabadan ayaa Liibaan Axmed Xasan u oggolaanaysa inuu ka qaybgalo doorashada hoggaanka Galmudug.
Munaasabadda diiwaangelinta waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, xubno ka tirsan Guddiga Fulinta ee Ururka JSP, iyo wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.