Muqdisho (Dawan) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay amar cusub oo lagu mamnuucayo in lo’da lagu soo daayo waddooyinka Muqdisho, isagoo sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay hagaajinta nadaafadda, badqabka waddooyinka iyo bilicda caasimadda.
Go’aankanwaxaa soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, kaddib wada-tashi uu maamulka la yeeshay dadka lo’da ku dhaqda gudaha magaalada, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay maamulka.
Maamulka ayaa xusay in lo’da lagu arko waddooyinka waaweyn ee magaalada ay sababto dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin nadaafad-darro, khalkhal ku yimaada isu-socodka gaadiidka, shilal waddooyinka ka dhaca iyo ciriiri saameeya dhaqdhaqaaqa magaalada.
Sidoo kale, maamulka ayaa sheegay in xoolahaasi ay waxyeello u geystaan dhirta lagu beeray hareeraha waddooyinka, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu qurxinayo Muqdisho iyo kor u qaadista bilicdeeda.