Soomaaliya (Dawan) — Soomaaliya ayaa gashay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur-Galbeed ay isu diyaarinayaan doorashooyin la filayo in lagu qabto nidaamka qof iyo cod ah, markii ugu horreysay muddo ka badan nus qarni.
Jadwalka Doorashooyinka
Sida uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka, doorashada Koofur-Galbeed ayaa loo qorsheeyay 28-ka Abriil 2026, halka Galmudug iyo Hirshabelle la filayo in ay qabsoomaan 13-ka May 2026. Jadwalkan ayaa si rasmi ah u furay marxalad cusub oo tartan siyaasadeed ah, gaar ahaan gudaha xisbiga talada haya ee JSP.
Galmudug, Madaxweynaha Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa si weyn u muujiyay inuu yahay musharraxa rasmiga ah ee JSP uga tartamaya hoggaanka maamulkiisa. Shirkii Golaha Wasiirrada Galmudug ayaa sidoo kale muujiyay taageerada xisbiga talada haya, iyadoo maamulka uu si toos ah u hoggaaminayo diyaarinta doorashada qof iyo codka ah.
Hirshabelle, Madaxweynaha Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa isna si cad u muujiyay inuu yahay musharraxa JSP ee maamulkiisa. Shirkii Golaha Wasiirrada Hirshabelle ayaa lagu xoojiyay in doorashadu noqon doonto “qof iyo cod”, halka fariinta siyaasadeed ee maamulka ay ahayd in xisbiga JSP uu doorashada hoggaaminayo.


