Muqdisho (Dawan)– Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay inaysan jirin wax lacag ah oo Soomaaliya la siiyay oo lagu khasaariyay, la isticmaali waayay ama dib looga celiyay sababo la xiriira maamul xumo iyo karti-darro.
Wasiirka oo wareysi siiyay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, ayaa sheegay in wararka sheegaya in mashaariic ama lacago Soomaaliya loo qoondeeyay loo ceshaday maamul xumo aysan sal lahayn.
“Ma jirto lacag Soomaaliya la siiyay oo la khasaariyay ama la isticmaali waayay ama sababo la xiriira maamul xumo iyo karti-darro loo ceshaday. Haba yaraatee saldhig ma leh arrintaas,” ayuu yiri Wasiir Biixi.
Wuxuu sheegay in muhiim ay tahay in la fahmo qaabka loo maamulo mashaariicda uu Bangiga Adduunku iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ka fuliyaan Soomaaliya, isagoo xusay in mashaariicda Bangiga Adduunka loo qorsheeyo sannado xaddidan oo lagu fuliyo, iyadoo la eegayo lacagta mashruuca iyo qaab-dhismeedkiisa.
Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Bangiga Adduunku leeyahay hannaan uu kula socdo fulinta mashaariicda iyo in la xaqiijiyo in ujeeddooyinkii loogu talagalay la gaaray.
“Labadii sano ee u dambeysay qiimaynta Bangiga Adduunku uu Sanduuqa Mashaariicda Soomaaliya ku sameeyay, 2024-kii waxaynu keenay 24%, 2025-kiina waxaynu keenay 29%,” ayuu yiri Biixi Iimaan Cige.