Jigjiga (Dawan) — Magaalada Jigjiga ayaa lagu qabtay munaasabad lagu xusay Maalinta Adkaysiga, oo ku beegan maalinta saddexaad ee bisha Baagume ee sannadka 2018-ka ee taariikhda Itoobiya, taas oo ku beegnayd 8-da Sebtembar 2026.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar, masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka, hay’adaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Maalinta Adkaysiga ayaa ka mid ah shanta maalmood ee dowladda Itoobiya ay u asteeysay munaasabadaha Baagume, iyadoo maalinta saddexaad diiradda lagu saarayo adkaysiga taariikhiga ah, xuska geesiyaasha dalka iyo dhiirrigelinta jiilalka cusub ee ka qeyb qaadanaya dhismaha dalka.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sheegay in hay’adaha amnigu ay door muhiim ah ku leeyihiin hirgelinta hawlaha horumarineed ee ka socda deegaanka iyo guud ahaan dalka.