Soomaaliya,19 Nofeembar 2025 — Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Talaadadii ku dhawaaqay mamnuucid guud oo ka dhan ah dadka ku dhex wata magaalada hub sharci-darrada ah, kaddib markii ay kordheen falalka amni-darrada iyo dilalka dhalinyarada ee habeenadii u dambeeyay ka dhacayay magaalada.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in amarka lagu dhaqaaqay kaddib kulan ay la yeesheen hay’adaha amniga, kuwaas oo isla qaatay in la xoojiyo tallaabooyinka lagula dagaallamayo tuugada hubka aan sharciga ahayn wata.
“Cid kasta oo magaalada ku dhex wadata qori sharci-darra ah waa in la soo qabtaa. Haddii uu qofkaasi diido, tallaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa, wixii ka dhashaana maamulka annagaa qaadaya,” ayuu yiri guddoomiyaha.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale dhaliil kulul u jeediyay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, isagoo ku eedeeyay inay hor istaagaan in sharcigu shaqeeyo marka ay dhacaan falal amni darro.








