Muqdisho (Dawan) – Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed 2026 ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaddib laba maalmood oo ay ka qeyb galeen hay’adaha dowladda, bahda warbaahinta, saaxiibada caalamka, ururrada bulshada rayidka iyo khubaro, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.
Madasha oo halku-dhiggeedu ahaa “Qaabaynta Mustaqbalka Warbaahinta Soomaaliya ee Xilligan Casriga ah” ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo casriyeynta warbaahinta Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka warbaahinta dowladda, helitaanka xog sugan, la-dagaallanka wararka been-abuurka ah iyo adeegsiga aaladaha casriga ah sida garaad gacmeedka (AI).
Intii ay socotay madasha waxaa lagu qabtay dood-wadaagyo, bandhigyo iyo kulamo khubaro, kuwaas oo lagu falanqeeyay fursadaha iyo caqabadaha horyaalla warbaahinta Soomaaliyeed iyo doorka ay ku leedahay xasillinta, wacyigelinta bulshada, gurmadka bani’aadannimo iyo nabad-dhiska dalka.
Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlay xoojinta isku-duwidda warfaafinta dowladda, mideynta farriimaha muhiimka ah iyo hirgelinta Istiraatiijiyadda Qaranka ee Xiriirka Warbaahinta.