Muqdisho (Dawan) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ka digtay cawaaqibka ka dhalan kara waxa ay ku tilmaantay isku-day lagu doonayo in lagu weeraro hoyga Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed ay Madashu soo saartay maanta oo ah 6-da Juun 2026 ayaa lagu sheegay in ciidamo gaar ah oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegtay in uu hoggaaminayo Aadan Maxamed Cumar “Aadan Dheere”, isla markaana ay garab siinayaan ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda, ay ku hawlan yihiin qorshe lagu beegsanayo hoyga Janaraal Odowaa.
Madasha Samatabixinta ayaa sidoo kale cambaareysay fal ay sheegtay in ciidamada ammaanka ay habeenkii xalay ku galeen hoyga Sheekh Cabdulqaadir Soomow, iyadoo ku tilmaantay arrin sii hurin karta xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan magaalada Muqdisho.
Qoraalka Madasha ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka noocan ah ay khatar gelin karaan dadaallada dhexdhexaadinta iyo heshiisyadii xabbad-joojinta ee lagu dejinayay xaaladda amni ee caasimadda, waxaana lagu baaqay in la joojiyo dhammaan falalka ay ku tilmaamtay “daandaansiga” ee halista ku ah nabadda iyo xasilloonida Muqdisho.