Jowhar (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed (Carab), isagoo u magacaabay Muuse Salaad Weheliye.
Sida ku cad wareegtada, go’aankan wuxuu ku saleysan yahay Qodobka 51-aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka maamulka Gobolka Hiiraan uu yahay lagama maarmaan. Sidoo kale wareegtada Magacaabista ayaa ku timid talo-soojeedin uu Madaxweynaha u gudbiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle.
Maxamed Carab ayaa xilka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan loo magacaabay 20 October 2025 ka dib xil ka qaadis markaas lagu sameeyay gudoomiyihii hore ee Gobolka Muuse Salaad wehliye oo markaas ku baxay khilaaf soo kala dhex galay maamulka ugu sareeya gobolka.