Jig-jiga (Dawan)- Madaxweynaha dowladda Itoobiya, marwo Sahle-Work Zewde ayaa soo gaartay magaalada jig-jiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida, si ay uga qeyb gasho xuska 18-aad ee maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta Itoobiya.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo mas'uuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyayay waftiga ay hoggaamineyso Sahle-Work Zewde garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal.
Xuska munaasibadda 29-ka Hidhaar ayaa hadda si toos ah uga socda garoonka kubadda cagta ee magaalada Jig-jiga.