Jabuuti (Dawan) — Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, kadib guushiisa doorashada madaxtinimada ee dhacday 10-kii Abriil, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee ADI.
Hambalyada ayaa timid intii lagu guda jiray wada hadal telefoon oo ay yeesheen labada madaxweyne maanta oo Axad ah, sida lagu sheegay warbixinta.
Al-Siisi ayaa u diray Geelle“hambalyo diirran” kadib guul ballaaran oo uu ka gaaray doorashada, sida ay wakaaladdu xustay.


