Jowhar (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Khamiis ah magaalada Jowhar ka daahfuray mashaariic horumarineed oo ay ku jiraan dhismayaal dowladeed iyo waddooyin laami ah oo laga hirgeliyay caasimadda Hirshabeelle.
Madaxweynaha, oo uu wehlinayay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, ayaa xarigga ka jaray Qasriga Madaxtooyada Hirshabeelle oo si casri ah loo dhisay, iyo dhismayaasha Wasaaradaha Waxbarashada iyo Maaliyadda, sida ay sheegtay Villa Somalia.
Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa xarigga ka jaray waddooyin laami ah oo maamulka uu sheegay inay kor u qaadayaan bilicda magaalada iyo isu-socodka gudaha Jowhar.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mashaariicdan ay ka tarjumayaan dadaallada madaxda Hirshabeelle ee lagu xoojinayo adeegyada dowladda, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sare u qaadista adeegyada ay helaan shacabka.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale dhagax-dhigay dhismaha xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Hirshabeelle iyo xarumo kale oo dowladeed, kuwaas oo maamulka uu sheegay inay door ka qaadan doonaan tayeynta maamulka iyo hufnaanta hay’adaha dowladda.