Soomaaliya, Maarso 8, 2026 (Dawan)– Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Axad ah si rasmi ah u saxiixay dastuurka cusub ee Dowladda Federaalka, isagoo ku tilmaamay dhamaadka muddo toban sano ka badan oo uu ahaa "ku-meel-gaar".
Munaasabadda saxiixa oo ka dhacday madaxtooyada Villa Somalia, ayaa timid ka dib markii labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay dhowaan ansixiyeen qabyo-qoraalka dastuurka.
"Maanta waxaa soo gabagaboobay safarkii dheer ee dib-u-eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo dheer ahaa mid ku-meel-gaar ah, Baarlamaanka Federaalka ayaana dhowaan ansixiyay," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban jeediyay ka dib saxiixa, isaga oo raaciyay "Laga bilaabo maanta, waxaan bilaabaynaa hirgelintiisa."
Masuuliyiinta dowladda ayaa horay u sheegeen in dastuurka cusub loogu talagalay inuu u adeego laf-dhabarta nidaamka sharciga ee Soomaaliya, ujeeddaduna ay tahay xoojinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka.







