Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta gaaray magaalada Paris ee dalka Faransiiska, halkaas oo uu 9-ka iyo 10-ka Sebtembar uga qeyb geli doono Shir-madaxeedka Caalamiga ah ee ugu horreeya ee Hawada Sare, kaddib markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron.
Shir-madaxeedka ayaa la filayaa inay kasoo qeybgalaan wafdiyo ka kala socda in ka badan 120 dal, oo ay ku jiraan madax dowladeed, saynisyahanno, ganacsatada iyo shirkadaha ka howlgala waaxda hawada sare, iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah.
Sida ay Wakaaladda Wararka Jabuuti kasoo xigtay Madaxtooyada Jabuuti, shirku wuxuu noqonayaa madal cusub oo dhinacyo badan ah oo lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah iyo wax looga qabanayo arrimaha la xiriira hawada sare.