Jabuuti (Dawan)— Jabuuti oo doonaysaa inay noqoto xarun goboleedka garaad gacmeedka (AI) iyo hal-abuurka dijitaalka ah ee Geeska Afrika, sida uu sheegay Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo ku baaqay in si degdeg ah dalka looga hirgeliyo adeegsiga tiknoolajiyaddan.
Geelle ayaa hadalkan ka sheegay madashii ugu horreysay ee Qaran ee garaad gacmeedka oo ka dhacday Jabuuti, halkaas oo uu sheegay in AI uu gacan ka geysan karo isbeddel ku yimaadda dhaqaalaha dalka, abuurista shaqooyin cusub iyo soo jiidashada maalgashadayaal.
“Garaad gacmeedka wuxuu waraabin doonaa qayb kasta oo ka mid ah dhaqaalahayaga, adeeg kasta oo maamulkayaga ah iyo gobol kasta oo dalkayaga ku yaalla,” ayuu yiri Geelle, isagoo isbarbardhigay saameynta AI iyo tii korontadu ku yeelatay bulshada.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay muhiim tahay in AI uu door ka qaato istaraatiijiyadda horumarinta dalka ee loo yaqaan Hiigsiga Jabuuti 2035, oo ujeeddadeedu tahay in Jabuuti loo beddelo dal soo koraya oo ku salaysan aqoon iyo hal-abuur.
“Garaad gacmeedka ma aha ikhtiyaar dheeraad ah oo lagu daray hiigsigan; waa dardar-geliyaha ugu awoodda badan,” ayuu yiri.
Dhaqaalaha Jabuuti ayaa si weyn ugu tiirsan adeegyada dekedaha iyo saadka, balse Geelle ayaa sheegay in AI uu dalka ka caawin karo inuu abuuro qaybo dhaqaale oo cusub oo qiimo badan, isla markaana uu yareeyo ku-tiirsanaanta adeegyadaas.
“Garaad gacmeedku waa fursad dhaqaale oo weyn,” ayuu yiri, isagoo xusay fursadaha shaqo ee ka dhalan kara dhinacyada cilmiga xogta, injineernimada, amniga internetka iyo ganacsiyada tiknoolajiyadda.