Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa martiqaad rasmi ah u fidiyay dhammaan siyaasiyiinta dalka, si loo bilaabo gogol wada-hadal, isagoo caddeeyay in dowladdiisu diyaar u tahay inay la fariisato cid kasta oo aragti ka duwan qabta.
“Waxaan fursaddan uga faa’iideysanayaa inaan martiqaad rasmi ah ugu fidiyo dhammaan siyaasiyiinta dalka, si aan u furno gogol wada-hadal, annagoo martiqaadka ku soo marin doonna habraacyada rasmiga ah,” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad muuqaal ah u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, taas oo maanta la baahiyay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in martiqaadka si rasmi ah loogu gudbin doono siyaasiyiinta. Dawan Media ayaa ogaatay in wada-hadalladii siyaasadeed ee hakadka galay dib loo bilaabayo horraanta bisha Nofeembar ee soo socota.
“Albaabka wada-hadalku mar kasta iyo xaalad kasta wuu furan yahay,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo mar kale adkeeyay in dowladdu diyaar u tahay wada-hadal iyo is-tanaasul.
Wuxuu sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay dhageysato talooyinka mucaaradka, isla markaana ay ka wada hadasho arrimaha masiiriga u ah dalka.
“Kala aragti duwanaanshuhu ma aha wax xun, haddii lagu maareeyo wada-hadal iyo is-ixtiraam,” ayuu yiri.
TALO DHEXDA LA DHIGAA MA JIRTO
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa caddeeyay xuduudaha wada-hadalka, isagoo sheegay in wada-tashigu uusan la macno ahayn in la wadaago awoodda go'aan-qaadashada.