Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u saxiixay Xeerka Shaqada Soomaaliya, kaasoo horey ay u ansixiyeen Golaha Shacabka 7-dii Agoosto 2024, halka Golaha Aqalka Sare ay ansixiyeen 25-kii Nofeembar 2024.
Xeerkan cusub wuxuu ka kooban yahay 35 cutub, wuxuuna khuseeyaa dhammaan loo-shaqeeyayaasha iyo shaqaalaha dalka. Si kastaba ha ahaatee, xeerkan laguma dabaqayo ciidamada qalabka sida, marka laga reebo shaqaalaha lagu shaqaaleysiiyay nidaamka rayidka ah.
Xeerkan wuxuu si cad u qeexayaa in qof kasta uu xaq u leeyahay fursado shaqo oo siman**, iyada oo aan lagu salayn: