Muqdisho (Dawan) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa fiidkii Sabtida Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Islaan Ciise Islaan Maxamed, oo ka mid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed, iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka.
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya, kulanka oo uu ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali, ayaa diiradda lagu saaray doorka hoggaanka dhaqanka ee nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta wadajirka bulshada.
Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu soo qaaday kaalinta isimada dhaqanka ee dadaallada lagu horumarinayo dowladnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.
Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa ka mid ah isimada saamaynta ku leh Puntland, gaar ahaan gobolka Nugaal, halkaas oo uu door ku leeyahay arrimaha bulshada, nabadaynta iyo wada-tashiyada dhaqanka.