Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay jiraan dano shisheeye oo doonaya in Soomaaliya lagu hayo xaalad aan xasilloonayn, isagoo xusay in dowladda ay waddo baaritaanno la xiriira dhacdooyinkii amni ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo ka hadlayay wareysi uu siiyay barnaamijka Miizaan Podcast oo ka baxa Dawan ayaa sheegay in dowladda ay aad uga xun tahay dhacdo kasta oo qalqal gelinaysa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool caasimadda Muqdisho.
Waxa uu sheegay in sanadihii la soo dhaafay horumar muuqda laga sameeyay amniga magaalada Muqdisho, balse ay jiraan kooxo uu ku tilmaamay kuwo isku dayaya in siyaasadda lagu raadiyo xoog iyo hub.
“Waxaan ku celcelinnay in siyaasadda lagu xalliyo wada-hadal iyo miis, laakiin nasiib darro waxaa jiray dad diiday in arrimaha lagu dhameeyo hab siyaasadeed,” ayuu yiri madaxweynaha.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay muddo dheer la kulmeysay siyaasiyiinta mucaaradka ah, isla markaana ay marar badan ugu baaqday inay soo bandhigaan aragti siyaasadeed oo ka duwan tan dowladda, balse sida uu sheegay aysan jirin wax qorshe siyaasadeed oo ay soo gudbiyeen marka laga reebo diidmo joogto ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in kooxahaas ay marar badan ka soo horjeesteen tallaabooyin uu sheegay inay muhiim u ahaayeen horumarka dalka, sida cafinta deymaha, qaadista cunaqabataynta hubka iyo taageerada dhaqaale ee Soomaaliya ka hesho hay’adaha caalamiga ah.
Waxa uu ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood inay xiriir la leeyihiin dano dibadeed oo aan danaynayn in Soomaaliya gaarto xasillooni iyo horumar siyaasadeed.