Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalku ay weli diyaar u tahay wada-hadal ay la yeelato siyaasiyiinta mucaaradka ah, isaga oo xusay in xal kasta oo waara lagu gaari karo wadahadal iyo is-afgarad.
Madaxweynaha oo ka hadlayay wareysi uu siiyay Miizaan Podcast oo ka baxa Dawan, ayaa sheegay in tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha sanadkii 2022 uu si joogto ah u waday dadaallo lagu mideynayo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in sanadkii ugu horreeyay ee xilkiisa uu gogol isugu keenay madax hore, ra’iisul wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin kale si ay uga wada hadlaan mustaqbalka dalka.
“2023-kii ayaan gogoshii ugu horreysay dhignay. Waxaan isugu yeernay madaxweynayaal hore iyo ra’iisul wasaareyaal hore. Dowladda, Baarlamaanka iyo hay’adaha kala duwan ayaan warbixinno ka siinaynay halka dalka marayo iyo qorshaha dowladda,” ayuu yiri madaxweynaha.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in kulamadaasi looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dib-u-eegista dastuurka, doorashooyinka qof iyo codka ah, qaadista cunaqabataynta hubka iyo cafinta deymaha Soomaaliya.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowladda ay marar badan mucaaradka ka codsatay inay soo bandhigaan aragtiyo kale oo lagu beddeli karo qorshayaasha dowladda, balse sida uu sheegay aysan helin talooyin cad oo ka duwan diidmooyin guud.
“Waxaan ku iri maxaa idinla qaldan? Wixii aad qalad u aragtaan noo sheega. Waxa fiican noo soo bandhiga. Laakiin wax aan ka ahayn diidmo joogto ah maanaan helin,” ayuu yiri.