Berbera (Dawan) — Shirkadda maraakiibta caalamiga ah ee Maersk ayaa sheegtay Isniintii inay si ku meel gaar ah u joojisay aqbalidda dalabaadka cusub ee xamuulka ee ku socda kana imanaya dekedda Berbera, iyadoo sabab uga dhigtay isbeddello ku yimid jadwalka safarrada.
Maersk, oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee maraakiibta iyo saadka caalamiga ah, ayaa sheegtay in hakintan ay dhaqan gashay isla markiiba, ayna socon doonto ilaa ogeysiis dambe, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay.
Shirkaddu waxay intaa ku dartay in xamuulka hore u socday ama jidka ku jira la gaarsiin doono meelihii loo qorsheeyay sidii caadiga ahayd.
Maersk ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto adeegyada dekedaha kale ee gobolka, oo ay ka mid yihiin Jabuuti, Muqdisho, iyo Mombasa, si loo taageero habsami u socodka saadka iyo isku xirka ganacsiga.


