Muqdisho (Dawan) – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka (NIEBC), Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in guddigu uu qiimeynayo codsi ay soo gudbiyeen inta badan ururrada siyaasadda ee u tartamaya doorashooyinka Galmudug, balse weli aan wax go’aan ah laga gaarin.
Cabdikariin ayaa sheegay in codsiga lagu soo bandhigay kulan guddigu kula yeeshay ururrada siyaasadda magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo guddigu ka wado diyaar-garowga doorashooyinka isku mar loo qabanayo Golaha Wakiillada Galmudug iyo goleyaasha deegaanka.
Sida uu sheegay guddoomiyuhu, ururrada siyaasaddu waxay codsadeen waqti dheeraad ah, iyagoo tilmaamay caqabado dhinaca qabanqaabada ah, sida gudbinta liisaska musharraxiinta iyo ololaha doorashada oo ku adag deegaannada kala fog ee Galmudug, kuwaas oo badankood u baahan safarro dhinaca cirka ah halkii laga isticmaali lahaa waddooyinka dhulka. Waxay sidoo kale sheegeen inay u baahan yihiin shaqaale dheeraad ah si ay u taageeraan diyaar-garowgooda doorashada.
"Marka codsigooda waa dhageysanay, weli go'aan kama aanaan gaarin, laakin waxaan jecelnahay insha Allahu Ta'ala komishanka illaa maanta in uu go'aanno soosaaro arrimaha la xiriira. jadwalkeenu wuxuu weli dhigaya in doorashadu dhacdo 25-ka Luulyo," ayuu yiri Cabdikariin.
Waxa uu intaas ku daray in guddigu uu si buuxda ugu diyaar garoobay qabashada doorashada, isla markaana tababarka shaqaalaha doorashada uu bilaaban doono Arbacada.