Wajeer (Dawan)- Ismaamulada Mandera iyo Wajeer ayaa laga hirgelin doona barnaamij waxbarasho oo ay ku baxayso 4.4 milyan oo ginni, muddo seddex sano ah.
Barnaamijkan oo lagu magacaabo INSPIRED waxaa maalgelin doona hay’adda FCDO , hay’adda Horumarinta Waxbarashada (EDT), Aga Khan Foundation, Sightsavers, WPDA, iyo VOPA.
Barnaamijka INSPIRED ayaa loogu talagalay in lagu hormariyo waxbarashada aasaasiga ah ee in ka badan 200,000 oo carruur ah iyo 100,000 oo ah carruurta la takooro iyo kuwa nugul ee labada ismaamul.