Ankara (Dawan)- Maraakiibta ciidamada badda Turkiga ayaa ku soo xiran doona Muqdisho iyadoo qayb ka ah Kooxda Ciidamada Badda ee Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Turkiga Khamiistii, xilli Ankara ay sii xoojinayso iskaashiga milatari ee ay la leedahay Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa sheegtay in howlgalka uu qayb ka yahay taageerada Turkiga ee Soomaaliya, taas oo ku saleysan heshiisyada iskaashiga amni iyo difaac ee labada dal.
Maraakiibta ayaa howlo wadajir ah la fulin doona Ciidamada Badda ee Soomaaliya, sida ay wasaaraddu sheegtay.