Muqdisho (Dawan)- Dowladda Mareykanka ayaa qorsheynaysa in ay dhsito ilaa shan saldhig oo cusub oo loogu talagalay ciidamada Soomaaliya, iyada oo lagu doonayo in lagu xoojiyo tayada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, si looga hortago weerarada iyo falalka kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta Dowladda.
Shanta saldhig ayaa laga dhisi doonaa Magaalooyinka Baydhabo, Dhuusomareeb, Jowhar, Kismaayo, iyo Muqdisho.
Heshiis arrintaan ku saabsan ayay Dowladda Mareykanka iyo Soomaaliya ku kala saxiixdeen 15-ka bishaan February 2024 Magaalada Muqdisho, iyada oo ay goob joog ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Molly Phee.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa bartiisa Facebook ku qoray " Heshiiskaan wuxuu kordhin doona awooddeena Ciidan ee La-dagaallanka Argagixisada".