Qaahira (Dawan)- Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku sheegay in madaxweyne Joe Biden uu ku wargeliyay Congress-ka in ay Masar la siin doonaan gargaar milateri oo ku kacaya 1.3 bilyan oo doolar, waana markii ugu horreysay tan iyo 2020 oo Masar ay si buuxda u hesho gargaar qiimihiisu dhanyahay intaan, sida ay sheegtay Reuters.
Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegantay xilli Washington ay si weyn ugu tiirsan tahay Qaahira, oo muddo dheer xulafo la ahayd Maraykanka, si ay u dhexdhexaadiso wadahadallada u Israel l iyo Xamaas ee ku saabsan in la gaaro heshiis xabbad-joojin ah iyo in lasoo soo afjarayo dagaalka Marinka Gaza.
Lacagtan oo loogu tala galay maalgelinta milatariga shisheeye ee Mareykanku u qoondeeyay Masar, waxaa ka mid ah $320 milyan oo horay loogu xiray shuruudo sababay ugu yaraan in la hakiyo qayb ka mid ah lacagtan dhawrkii sano ee la soo dhaafay.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa u sheegay Congress-ka in laga tanaasuli doono shuruudaha lagu xiray Masar, iyada oo la eegayo danta amniga qaranka Mareykanka
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa yiri, "Go'aankan wuxuu salka ku haya in la xoojiyo nabadda gobolka iyo ka qayb qaadashada joogtada ah ee Masar ee mudnaanta amniga Mareykanka, gaar ahaan marka la eego dhameystirka heshiiska xabbad joojinta ee Gaza."