Puntland (Dawan) – Markab ganacsi oo koox hubeysan ay ka soo afduubatay xeebaha dalka Yemen ayaa la geeyay biyaha degmada Caluula ee gobolka Bari, sida ay wakaaladda wararka ee AP ka soo xigatay ilo amni iyo mas’uuliyiin maxalli ah.
Markabka oo lagu magacaabo MT ASANA, isla markaana ku diiwaangashan calanka Tanzania, ayaa la sheegay in la qabsaday Jimcihii, kaddib markii uu ka soo ambabaxay magaalada dekedda leh ee Mukalla ee dalka Yemen.
Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay AP News ayaa sheegay in toddoba nin oo hubeysan, laguna tuhunsan yahay inay yihiin burcad-badeed Soomaali ah, ay xoog kula wareegeen markabka, kaddibna ay u soo kaxeeyeen dhinaca xeebaha Puntland.
Wararku waxay sheegayaan in markabka uu hadda ku sugan yahay xeebaha degmada Caluula ee gobolka Bari. Hase yeeshee, weli ma cadda goobta saxda ah ee lagu hayo, mana jirto xog muujinaysa in kooxda afduubka geysatay ay wax dalab ah u gudbisay milkiilayaasha markabka.
Xogta dadweynaha u furan ee lagula socdo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ayaa muujisay in MT ASANA uu Jimcihii si gaabis ah uga dhex socday Gacanka Cadmeed, isaga oo kusoo wajahnaa magaalada Boosaaso.