Qaahira (Dawan)- Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi iyo dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa kawada hadlay maanta oo Sabti ah xaaladaha Badda Cas iyo Bariga Afrika oo waaydii ugu dambeysay walaac xoogan laga qabay, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Masar.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay isla garteen inay lama huraan tahay in la ixtiraamo madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, lana taageero sidii loo diidi lahaa dhammaan tallaabooyinka hoos u dhigaya gobanimada Soomaaliya.
Al-Sisi ayaa bishii January sheegay in dalkiisu uusan ogolaan doonin wax khatar ku ah Soomaaliya iyo amnigeeda, isagoo carrabka ku adkeeyay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland aysan cidna aqbali karin.
Madaxweynaha Masar oo uu shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Qaahira xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud garab taagnaa ayaa yiri “Sida cad, Masar ma oggolaanayso wax Soomaaliya khatar ku ah, ama ammaankeeda wax u dhimaya"







