Jigjiga (Dawan)- Masuuliyiinta ka socda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa daah-furay mashruucyo biyo iyo koronto ah oo laga hirgeliyay degmooyinka Dhagax-Madow iyo Bilcilbuur oo ka tirsan gobolka Jarar kuwaas oo la filayo in ay kor u qaadaan kobaca dhaqaalaha iyo nolosha bulshada halkaas ku dhaqan.
Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Dowlad Deegaanka Soomaalida, Xuseen Xaashi, ayaa sheegay in 102 Milyan oo lacabta Itoobiya ah ay ku baxday labada mashruuc , wuxuuna sidoo kale ballan qaaday inay qorshaynayaan in ay furaan mashaariic kale oo muhiim u ah dadka deegaanka.
Bulshada ku dhaqan labadaas degmo ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhamaystirka mashaariicdan, waxayna uga mahadceliyeen maamulka gobolka oo qayb wayn ka qaatay hirgelinta adeegyada aasaasiga ah.